Baydhabo(djiboutination)-Md.
C/llaahi
Yuusuf
Axmed,
Ra’isul-wasaare
Nuur
Cadde
iyo
Hoggaamiyayaal
ka kala
socda
Dowladaha
Bariga
Afrika,
Dowladda
Maraykanka,
QM iyo
Ururka
Midowga
Afrika,
ayaa
lagu
wadaa
inay
dhawaan
ka qeyb
galaan
kulan
khaas ah
oo looga
xaajoon
doono
Arrimaha
dalka
Somalia
oo ka
dhici
doona
Caasimadda
dalka
Ethiopia
ee Addis
Abeba.
Hadal ka
soo
baxay
Waaxda
Arrimaha
Dibedda
ee dalka
Maraykanka,
ayaa
lagu
xaqiijiyey
inay
Xoghayaha
Arrimaha
Dibedda
ee
dalkaasi,
Condoleezza
Rice ka
qeyb
geli
doonto
Kulan ay
Hoggaamiyayaasha
Dowladaha
Bariga
Afrika,,
Ergooyin
ka kala
socda QM
iyo
Ururka
Midowga
Afrika
“AU”-da
bishan
5-da ku
yeelan
doonaan
Caasimadda
dalka
Ethiopia
ee Addis
Abeba.
Kaaliyaha
Xoghayaha
Arrimaha
Dibedda
ee dalka
Maraykanka
ugu
qaabilsan
Arrimaha
Qaaradda
Afrika,
Jendayi
Frazer,
ayaa
sheegtay
inay
Kulankaasi
ka soo
qeyb
geli
doonaan
Madaxweynaha
Somalia,
Ra’isul-wasaaraha
DFKMGS
iyo
Hoggaamiyayaasha
Dowladaha
Jabuuti,
Ugandha,
Ethiopia,
iyo
Sudan,
Guddoomiyaha
Ururka
Midowga
Afrika,
Alpha
Omar
Konaari
iyo
Wakiilka
Xoghayaha
Guud ee
QM ugu
qaabilsan
Arrimaha
dalka
Somalia,
Axmedu
Walad
Cabdalla.
Jendayi
Frazer,
oo
Suxufiyiinta
kula
hadashay
Xarunta
Waaxda
Arrimaha
Dibedda
ee
magaalladda
Washington,
ayaa
tilmaamtay
in
Kulanka
maalinta
Arbacadda
ka dhici
doono
magaalladda
Addis
Abeba in
lagu
falaanqeyn
doono
Arrimaha
dalka
Somalia
iyo
sidii
Talooyin
looga
bixin
lahaa
sidii
Wada-xaajoodyo
dheeraad
ah iyo
Shirar
Dib-u-heshiisiin
ah loo
qaban
lahaa
iyo
Doorashadda
lagu
wado
inay
dalka
Somalia
ka
dhacdo
sannadka
2008-da.
Iyadoo
arrintaasi
sii
ambaqaadayso,
waxay
xustay
in
Kulankaasi
lagu
qiimeyn
doono
Xaalladaha
colaadeed
ee ka
aloosan
magaalladda
Muqdishu
iyo
sidii
Ciiddamo
Nabad-ilaalin
dheeraad
ah loogu
soo
biirin
lahaa
Hawlaha
Nabad-ilaalinta
Afrikaanka
“AMISOM”
ka
wadaan
gudaha
dalka
Somalia.
Dhinaca
kale,
Afhayeenka
Waaxda
Arrimaha
Dibedda
ee dalka
Maraykanka,
Tom
Snow,
ayaa
sheegay
in
Kulanka
ay
Hoggaamiyayaasha
Dowladaha
ku
xeeran
Beriga
Qaaradda
Afrika
iyo
Madaxda
ka kala
socda
Dowladda
Maraykanka,
QM iyo
Midowga
Afrika
maalinta
Arbacadda
ku
yeelanayaan
Caasimadda
dalka
Ethiopia
ee Addis
Abeba in
lagu
muujin
doono
Taageeradda
loo hayo
Ra’isul-wasaaraha
cusub ee
DFKMGS,
Md. Nuur
Xuseen
Xasan “Nuur
Cadde”
iyo
sidii
DFKMGS
loogu
fududeyn
lahaa
wixii
Inkaaniyaad
ah oo ay
u baahan
tahay,
Djiboutination
International
News
Desk