Dagaallo Khasaara Dhaliyay oo Maamullada Somaliland iyo Puntland ku Dhaxmaray Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag.

Dagaallo Khasaara Dhaliyay oo Maamullada Somaliland iyo Puntland ku Dhaxmaray Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag.

- in NEWS2
608
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo culus oo ka dhax qarxay ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta barqadii ay dagaallo culus ka bilaawdeen deegaanka Booda-Cadde oo qiyaastii 30 Km dhanka waqooyi uga beegan degmada Dhahar islamarkaan u dhaxaya tuulooyinka Xingalool iyo Dhahar.

Sarkaal u hadlay maamulka ‘Somaliland’ ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay khasaara lixaad leh gaarsiiyeen dhanka Puntland islamarkaana ay gaadiid dagaal ku qabsadeen dagaalkii Booda-Cadde.

Dhinaca maamulka ‘Puntland’ ee fadhiguusu yahay magaalada Garowe wuxuu sheegay in hal askari laga dhaawacay balse ma sheegan guulo sidaasi u weyn.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisada colaadeed oo u dhaxeeya labadan maamul ee Itoobiya wada shaqeynta laleh ayaa ka jiray deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June