Dad ku dhintay qarax Al-shabaab ay galiyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Dhexe

Dad ku dhintay qarax Al-shabaab ay galiyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Dhexe

- in News
468
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Al-shabaab qarax ay ku aaseen deegaanka Sabuun oo hoostaga degmada Mahadaay ay ku dileen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyooday kuwo kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii Al-shabaab qarax ay galiyeen deegaankaasi oo hoostaga Mahadaay oo katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in marka laga tago qasaaraha dhimashada sidoo kale ay jiraan dad ay soo gaareen dhaawacyo culus oo qaraxaasi wax ku noqday.

Al-shabaab ayaa caadeystay falalka lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Warbixin :Fidel Castro iyo Somaliya