Daawo Sawirada: Warbaahinta caalamka & baraha bulshada oo lagu baahiyay sawiro argagax & dareen abuuray

Daawo Sawirada: Warbaahinta caalamka & baraha bulshada oo lagu baahiyay sawiro argagax & dareen abuuray

- in Archives, News
492
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haysa sawir naxdin leh oo laga soo qaaday wiil shan sano jir ah oo boor iyo dhiig ay jirkiisu qariyeen, kaasoo laga soo badbaadiyay burburka dhisme ku yaal magaalada Aleppo ee dalka Siiriya oo dayuuradaha ruushku ay duqeeyeen.

Sawirka wiilkan oo dhex fadhiya gaari ambalaas ah ayaa waxa baraha bulshada soo dhigey qaar kamid ah ururada u dooda xuquuqda adanaha ee wadanka Siiriya.

Omran Daqneesh oo ah magaca wiilkan yar ayaa waxay dhakhaatiir ka daweeyeen Arbacadii dhaawacyo ka soo gaaray madaxa waalidiintiis ayaa sidoo kale ka badbaaday duqeynta.

Wiilkan yar ayaaney ka muuqan wax cabsi ah, isagoo si degan u fadhiyey gaariga gurmadka deg deg ah loogu sameynayey, wuxuuna sugayey shaqaalaha gargaarka oo soo badbaadiyey isaga iyo caruur kale.

Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo xooggaga mucaaradka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxay ka dhacayeen magaalada Aleppo oo mar ahayd xarunta warshadaha ee wadanka Siiriya.










Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

DJIBOUTI Bruxelles( libaan yaa dilay )interview RTD UK