Daawo Sawirada: Qasaaraha ka dhacay Qaraxii maanta ka dhacay Mugdisho Faah faahino dheeraad ah ……

Daawo Sawirada: Qasaaraha ka dhacay Qaraxii maanta ka dhacay Mugdisho Faah faahino dheeraad ah ……

- in News
180
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa maanta weerar ismiidaamin ah ka badbaaday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale.

Taliyaha ayaa xiliga weerarka saarnaa gaari kuwo aanay rasaasta karin, ayaa ka badbaaday qaraxa, balse qaraxaasi waxaa uu waxyeeleeyay gaari caasi ahaa oo markaasi wadada maraayay.

Gaarigan oo waday rakaab, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku burburay qaraxaasi, iyadoo rakaabkii saarnaana ay intoodu badan ku waxyeeloobeen qaraxa.

Mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa baahisay in dadka ku dhintay weerarka ay gaarayaan in kabadan 15 ruux oo dad shacab ah u badnaa.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadka dhaawacyadu soo gaareen, waxaana laga cabsi qabaa in tiradda dhimashada ay ka sii badato intaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Omar Ibn Al-Khataab رضي الله عنه || Sh Shady AlSulaiman || Heroes of Islam