Ciidamada Liyu Police Itoobiya oo Rayid ku Xasuuqay Gobolka Mudug iyo Xiisad Wali ka Taagan Goobta uu Dagaalku Ka Dhacay..

Ciidamada Liyu Police Itoobiya oo Rayid ku Xasuuqay Gobolka Mudug iyo Xiisad Wali ka Taagan Goobta uu Dagaalku Ka Dhacay..

- in News
334
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka naga soo gaaraya degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in Ciidamada Liyu Police halkaas ay ku dileen illaa 3 qof oo Rayid ahaa.

Dilalka dadkaasi Shacabka ahaa ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanka Xanan oo hoostaga degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

liyuu-boolis

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in dilka dadkaasi u yimid kadib markii lagu murmay Ceelal Biyoodyo la qorsheynayay in laga qodo deegaanka wax ka dhaceen.

Ceelal Biyoodyada qodostooda oo ay ku howlanaayeen Maamulka Puntland kadib baahiyo loo qabay oo ka soo gaaray shacabka halkaas ku nool ayaa la sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada Liyu Police.

Masuuliyiin ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu soo warramayaa in ay sheeganayaan dhulkaasi Soomaaliyeed taasi oo ay ka biyo diidan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017