Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa dad shacab ah ku xasuuqay Tuulada Wardiile ee Gobolka Baay, halkaas oo ay shalay galab duullaan ku qaadeen.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa dad shacab ah ku xasuuqay Tuulada Wardiile ee Gobolka Baay, halkaas oo ay shalay galab duullaan ku qaadeen.

- in NEWS2
405
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa dad shacab ah ku xasuuqay Tuulada Wardiile ee Gobolka Baay, halkaas oo ay shalay galab duullaan ku qaadeen.

Ciidamada Itoobiya oo kasoo baxay Saldhigga ay kuleeyihiin Deegaanka Awdiinle oo 7 kiiloomitir u jira halka uu xasuuqu ka dhacay ee deegaanka Wardiile ayaa la xaqiijiyay inay halkaas ku dileen dad gaaraya 19 qofood, ayna ku dhaaweceen illaa 6 kale oo dhaawacooda loola cararay Magaalada Baydhabo.

Qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in Xasuuqa dadka Shacabka ah uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ah balse arintaas ayaa ah waxba kama jiraan iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicin halkaas.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta SomaliMeMo ayaa u xaqiijiyay in wax iska hor imaad ah habayaraatee uusan halkaas ka dhicin, wax ciidamo Al Shabaab ahna aysan jirin oo halkaas ku sugnaa xilliga xasuuqu dhacayay.

Dad Goob-Joogayaal ahaa oo ku sugan deegaanka Wardiile ee Xasuuqu ka dhacay ayaa sidoo kale SomaliMeMo u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen Guri ku yaalla tuulada oo ay ku sugnaayeen Rag u badan Macalimiin Quraan kuwaas oo Quraan ku aqrinayay nin oday ah oo halkaas ku xanuunsanaa intii muddo ah.

Ciidamada ayaa albaabka kasoo istaagay Guriga uu Quraan saarku ka socday, waxay oodda uga qaadeen Rasaas aan loo meel dayin, taas oo keentay inay halkaas ku xasuuqmaan wadaadadii guriga ku jiray iyo odaygii la Quraan saarayay intaba.

Waxaa jira dad dhaawac ah oo ay u suurtagashay inay goobta xasuuqa ka baxsadaan, waxaana tiro dadkaas kamid ah ah la keenay Magaalada Baydhabo si loogu dabiibo, halka dadkii halkaas lagu laayayna laagu wado in maanta la aaso.

Ciidamada Cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya ayaa sidaan oo kale tiro dhowr jeer ah u xasuuqay shacab Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin wax sabab ah, waxaa ugu dambeysey Xasuuq ay ka geysteen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo ay dad Shacab gaari saaran kala degeen ayna rasaas iyo bambooyin la dheceen.

Sidoo kale Gobolka Bakool ayay Xasuuq daran ka geysteen iyagoo dad ka badan 100 qofood ku dilay halkaas dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2015.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN