Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Bartoor oo u dhexeeya Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Halgan Halkaas Oo cidamadda Xabashida Looga Diley laba iyi labatan Askari

Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Bartoor oo u dhexeeya Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Halgan Halkaas Oo cidamadda Xabashida Looga Diley laba iyi labatan Askari

- in News
220
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Bartoor oo u dhexeeya Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Halgan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhashay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaden kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo Ethiopian ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in la weeraray xili ay ka soo ambabaxeen Magaalada Baladweyne kuna sii jeeday Degmada Buuloburte.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen laba iyo labtan Askari oo Ethiopian ah, halka ay dhaawac culus u geysteen ilaa Afar Askari.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee la socday kolonyada gaadiid ee dagaalka la galay Al-shabaab, ayaa dhankooda ka sheegay inay dileen Lix maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaani ayaa imaanaya xili Ciidamada Ethiopia ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan deegaano hoostaga magaalada Beledweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017