Beelaha & Magacyada Safiirada Cusub ee la ansixiyey (AKHRISO)

Beelaha & Magacyada Safiirada Cusub ee la ansixiyey (AKHRISO)

- in NEWS2, Openion
1062
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo isugu yimid kulankooda caadiga ahaa ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada abaaraha ee ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka, arrimaha amniga iyo ansixinta Safiiro.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiiradda Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo aay ka hadleen dhaq-dhaqaaqa Ciidan iyo howlgallada Al-shabaab ka wadaan dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la cambaareeyey falalkaas Argagixiso.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Lix Safiir oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya u soo gudbisay golaha wasiirada Xukumada Soomaaliya, waloow aay jiraan safiir kale oo ilaa iyo hada la ansaxin .

ng
Safiirada la ansixiyay waxaa ka mid ah

1. C/raxmaan Ducaale Beyle. (Dir Gadobiirsi) Safiirka United Nation New York
2. Abuukar Cabdi Cusmaan Mardaadi. (Digil.) Safiirka Koofur Africa
3. Cali Shariif Axmed. (Mirifle) Safiirka Faransiiska
4. Fakhrudiin Maxamed. (Digil) Safiirka Kenya
5. Maxamed Xasan Cabdi. Madeer (Mirifle) Safiirka Turkiga

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa maalmihii u dambeeyay isla waday qorshayaal ku saabsanaa magacaabid Safiiro gaarayay in ka badan 10-Safiiro, inkastoo haatan la soo hormariyay Lix safiir oo aan wali lagu kala qorin dalalkii ay Soomaaliya wakiilka uga noqon doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Qisadii Siduu ku toobad keenay Abdullahi Ibnu Mubarak – Sh. Ahmed Nuur