Askar Itoobiyaan ah oo Lagu Laayay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Gudaha Wadanka Itoobiya.

Askar Itoobiyaan ah oo Lagu Laayay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Gudaha Wadanka Itoobiya.

- in NEWS2, Openion
636
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ugu yaraan 13 Askari Itoobiyaan ah ayaa dhimatay 10 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar hubeysan uu ka dhacay magaalo dhacda Waqooyi galbeed ee wadanka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxo uu ku tilmaamay fallaago Ereteria ay soo abaabushay ay weerar ka geysteen magaalada Godera ayna dileen 11 Askari.

Wakaaladda wararka Itoobiya ayaa baahisay war ay ku sheegayso in fatqalado khasaara dhaliyay ay ka dhaceen magaalada Gondera iyadoo dhibaatadii dhacday dusha uga tuurtay xukuumadda Asmara.

Shabakad ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Itoobiya ayaa baahisay in dad kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo ciidanka Itoobiya ku lahaayeen Gondera.

Amxaarada ayaa kasoo hor jeedda qorshe ay xukuumaddu ku doonayso in dhulkooda ay ku darto gobolka Tigree oo ay deganyihiin qowmiyadda talada haysa ee Tigreega.

Gudaha wadanka Itoobiya ayaa lagasoo sheegayaa mudaaharaadyo iyo isku dhacyo dhiigbadan ku datay, muslimiinta Oromada ayaa iyana wali sii wada kacdoonka ay ku diidanyihiin in dhulkooda lagu daro magaalada Addis Ababa ee dadka nasaarada ah ku badanyihiin.

Dad ka badan 1200 qof ayaa la rumeysanyahay in lagu dilay toogashooyin ay geysteen ciidanka Booliska Itoobiya tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii March 2015.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Baarlamaanka Somaliya oo Cod Kalsooni ah Siiyay Wasiirada Cusub

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha