Al-Shabaab oo Shaacisay tirada dagaalyahanada looga dilay Weerarkii ay saakay Halgan

Al-Shabaab oo Shaacisay tirada dagaalyahanada looga dilay Weerarkii ay saakay Halgan

- in NEWS2
413
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa qiray in uu qasaaro kasoo gaaray dagaalyahandooda weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhig ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab saraakiishooda ayaa sheegay in 16-dagaalyahan looga dilay weerarkii Halgan, kuwaa ay sheegeen in ay ahaayeen dagaalyahano aad u dhibaateeyay ciidamada Itoobiya uguna daatay dhufeesyadii ay ku jireen.

Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in Ciidamada Itoobiya ay weerarka kaga dileen in ka badan 40-askari ayna ka furteen hub iyo saanad milatari, waxa ayna Al-Shabaab guul ka sheegteen dagaalkii cuslaa ee ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Halgan.

Weerarkii saakay ka dhacay Deegaanka Halgan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen qasaaro aad u xoog badan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana magaalada qeybo kamid ah lagu arkayaa Meydadka labada dhinac ee ku dhintay dagaalkii saakay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June