Al Shabaab oo la wareegay Degaano ka mid ah Gobalka Bakool

Al Shabaab oo la wareegay Degaano ka mid ah Gobalka Bakool

- in NEWS2
482
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen Degaano hoostaga Gobolkaasi kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay isaga baxeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Shalay faarujiyay Degaanda Rabdhuure iyo Buurdhuxule oo hoostaga Gobolka Bakool.

Weli lama shaacin sababta ka dambeysa in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay isaga hulaalaan Degaanadaasi balse waxaana fariisimo kale ay ka sameysteen Degaano kale oo halkaasi ku yaalla.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool, Maxamed Kheyre Salaad oo la hadlay Warbaahinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay in si sal ah ay uga baxaan halkaasi.

Dhowrkii Sano ee la soo dhaafay ayaa Degaanadaasi waxaa si buuxda gacanta ugu hayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana inta badan Degaanada hoostaga Gobolkaasi lagu weeraraa Xoogaga Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN