AKhriso sida loogu Qeybiyay Beelaha Dega Galmudug iyo Puntiland Xubnaha Aqalka sare

AKhriso sida loogu Qeybiyay Beelaha Dega Galmudug iyo Puntiland Xubnaha Aqalka sare

- in News
410
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa dhawaan la filayaa in xarumaha maamul Goboleedyada dalka ka jira lagu doorto Xubnaha aqalka sare ee Dowlada Soomaaliya oo ka kooban 54-Xubnood.
Xubnaha aqalka sare oo markii hore loo qeyb saday qaab maamul Goboleed ayaa hadana loo sii qeybsaday qaab beeleed, waxaana ka muuqata sida beelaha loogu qeybiyay cadaalad daro aad u xoogan.

Waxaa inoo suurto gashay in aan helno sida loogu qeybiyay xubnaha aqalka sare Beelaha dega Maamulada Galmudug iyo Puntiland, waxaana beelaha dega Galmudug ka muuqata in xoogaa si cadaalad ah loo qeybiyay halka dhanka Puntiland ay ka muuqato cadaalad daro xoogan.

Inta badan Waxaa qeybiyay Xubnaha aqalka sare Madaxweynayaasha Maamulada gobolada dalka ka jira, waxa ayna Masuuliyiintan la sheegay in xubnaha aqalka sare u wataan xubno iyagu rabaan jeebkana ugu jira.

Beelaha Dega Puntiland ayaa si weyn uga careesan cadaalad darada ka jirta sida loo qeybiyay Xubnaha aqalka sare, waxaana Xubnaha aqalka sare 6-kamid ah qaatay Beesha Majeerteen uu kasoo jeedo Madaxweynaha Puntiland, waxaana lagu qadiyay xubnaha aqalka sare beelo waa weyn oo kamid ah kuwa dega Puntiland.

Beelaha Qaar ayaa wada cabasho ku aadan sida loo qeybsaday xubnaha aqalka sare ee Maamulada Galmudug iyo Puntiland, waxaana suurto gal ah in isbadal kooban ku yimaado sida hada wax loo qeyb saday.

Maamulka Puntiland oo iyagu gadaal ka riixayay in aqalka sare lagu soo daro Dowlada Soomaaliya ayaa hada ka joogtaa yaa ka saaro meesha maadaama ay dhibatao ka dhalatay sida beelaha loogu qeybin lahaa xubnahaha ay ka heleen aqalka sare.

HOOS KA AKHRISO QAABKA BEELAHA GALMUDUG LOOGU QEYBIYAY XUBNAHA AQALKA SARE

1-Beesha Abgaal (1)

2-Beesha Murusade (1)

3-Beesha Habar-Gidir (2)

4-Beesha Duduble (1)

5-Besha Mareexaan (1)

6-Beesha Dir (1)

7-Beesha Madhibaan (1)

8-Beesha Shiikhaal (0)

HOOS KA AKHRISO QAABKA BEELAHA PUNTLAND DEGA LOOGU QEYBIYAY XUBNAHA AQALKA SARE

1-Beesha Majeerteen (6)

2-Beesha Dhulbahante (2)

3-Beesha Warsangali (1)

4-Beesha Axmed Harti Dishiisle (1)

5-Beesha C/raxmaan Harti kaski Qabe (0)

6-Beesha Leelkase (1)

7-Besha Mahdibaan (0)

8-Beesha Carab Saalax (0)

9-Beesha Awrtable (0)

FG:- Xubna qeybsiga Galmudug waxaa ku qaday Beesha Shiikhaal oo horay Xildhbaan ugu heshay Maamulka Galmudug, halka qeybsiga Puntland ay ku qadeen dhowr beel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June