50 Kenyan ah oo afduub ay ku qabteen Shabaab & arrin cajiib ah oo dhacdey

50 Kenyan ah oo afduub ay ku qabteen Shabaab & arrin cajiib ah oo dhacdey

- in News
170
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weeraray Gaari dadweyne ay la socdeen, kaasoo marayay duleedka magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Gaariga ayaa waxaa la socday ilaa 50-ruux dad gaarayay, kuwaasoo ka yimid magaalada Mombasa, kuna sii jeeday deegaanka Lamu oo ilaa 100-KM u jira Xuduuda Soomaaliya.

Dableydan ayaa gaariga rasaas kaga furay taayarada baabuurka, kadibna ku amray dadkii saarnaa inay soo degaan, hase ahaatee dhamaan dadkii saarnaa ayaa ashahaatay, aqriyayna aayado quraan.

Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo lagu magacaabo Abarufa Kokane ayaa sheegay in dhamaan dadkii gaariga la socday ay Muslim noqdeen, markii ay gebigood wada ashahaateen.

“Waxaan u qaadanay inay aheyd maalintii dunida noogu dambeysay, dadka rakaabka ah intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin, waxay ku qeyliyeen Shahaadada, iyo aayado qur’aan, taasi oo ugu yaraan keentay in kooxdii hubeysneyd ay u wada qaataan dadkoo dhan inay Muslimiin yihiin”sidaas waxaa yiri Mr Kokane oo ka mid ahaa dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa.

Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Lamu Fredrick Ndambuki ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AFP inay baadigoob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay weerarkii Sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Witu oo 50-KM u jira Lamu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017