11 Askari Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Gobolka Bay

11 Askari Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Gobolka Bay

- in NEWS2
418
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Bay ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ciidanka Itoobiya lagula beegsaday duleedka degmada Ufuroow xilli ay halkasi ku socdaalayeen.

Wariye Cali Yare oo Bay ku sugan ayaa soo sheegay in mid kamida qaraxyada uu burburiyay gaari Uuraal ah oo ay la socdeen ciidanka Itoobiya waxaana qaraxaasi ku dhintay 11 askari Itoobiyaan ah.

Si aan loo ogaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayay ciidanka gumeysiga Itoobiya jareen dhammaan isgaarsiinta degmooyin katirsan Gobolka.

Goob joogayaal warbaahintu la xariirtay ka hor intii aan ladamin isgaarsiinta ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay Meydad iyo dhaawacyo ka daabuleen duleedka degmada Ufuroow.

Laba diyaaradood oo ka haaday magaalada Baydhabo ayaa ku degay goobta qaraxyadu ka dhaceen, sidoo kale ciidamada Xabashida ayaa jaray isgaarsiinta degmada Diinsoor iyo deegaanada hoos yimaad.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in ay dhankooda wadaan dhaq dhaqaaqyo ay cadawgu ugu diidayaan in uu saad isku gudbiyo.

Weerarkan khasaaraha lagu gaarsiiyay Xabashida ayaa imaanaya saacado kadib markii kumanaan askari ay kasoo dhaqaaqeen Qansaxdheere si ay raashin ugu gelbiyaan dhanka degmada Diinsoor balse waxay la kulmeen weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June