10 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ay Ciidamada Al Shabaab Ka Fuliyeen Duleedka Degmada Qansaxdheere

10 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ay Ciidamada Al Shabaab Ka Fuliyeen Duleedka Degmada Qansaxdheere

- in NEWS2
375
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Maleeshiyaad Amxaara Kalkaal ah oo Qansaxdheere ku sugan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen maleeshiyaad taabacsan Xabashida Itoobiya uu dhaliyay Khasaara lixaad leh.

8 Askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaal ka dhacya deegaanka Buula Fuur oo dhaca duleedka degmada Qansaxdheere.

Dagaal muddo saacada ah socday Kadib ayay ciidamada Al Shabaab ayay deegaanka qabsadeen waxayna furteen 5 qori oo 2 kamid ay yihiin PKM.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay khasaara lixaad leh gaarsiiyeen maleeshiyaad ay ku sheegtay ‘Murtadiin’ oo loola jeedo ciidamada Maamulka Shariif Sakiin ee Xabashida Itoobiya taabacsan.

Idaacadda Andalus ayaa baahisay in weerarka Buula Fuur ee 8 askari lagu dilay uu ka horreeyay weerar kale oo shalay gelinkii hore dhacay kaasi oo lagu dilay 2 asari taasi oo wadarta dhimashada ka dhigaysa 10 askari.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Baydhabo iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku aaddan khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkii Qansaxdheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN